24/08/2024
Hawl-wadeennada Wakaalada Dabagalka Cuntada iyo Dawooyinka ee gobolka Doollo oo ay weheliyaan shaqaalaha Xafiiska Caafimaadka degmada Wardheer ayaa ol’ole lagu dabagalayo maciishada wakhtigoodu dhacay ka sameeyay magaalada Wardheer.
Ol’olahan oo ujeedkiisu ahaa dabagalka iyo wacyigelinta ku saabsan adeegyada wakhtigoodu dhammaaday si bulshadu uga feejignaato isticmaalkaooda, ayay hawl-wadeennadan kusoo mareen dukaamada lagu iibiyo cabitaanada, waxyaabaha laysku qurxiyo, dawooyinka, iyo noocyada kala duwan ee raashinka. Hawl-wadeennadan ayaa sidoo kale soo uruuriyay maciisho yar oo wakhtigoodu dhammaaday, halka ganacsatada laga digay in ay sii iibiyaan maciishada wakhtigoodu dhowyahay.