23/05/2026
Weekly Update/ Warbixinta Toddobaadlaha ah;
𝕁𝕀𝔾-𝕁𝕀𝔾𝔸, 𝕄𝕀𝕀ℂ𝔸𝔸𝔻/𝔾𝕀ℕ𝔹𝕆𝕋 15/2018;
Waxaa Madasha kulamada Maxkamadda Guud ee DDS ka qabsoomay heshiis is-afgarad taariikhiya oo ay kala saxeexden Maxkamadda Guud ee Deegaanka Soomaalida iyo Ethiopian Capital Market Administration tribunal (ECMAT).
Heshiiskan Is-afgaradka oo dabayaaqadi isbuuci h**e ka qabsoomay maxkamadda guud ee DDS, islamarkaana qayb ka ah dadaalada ay maxkamadda guud ee deegaanku ugu jirto kor u qaadista adeegga caddaaladeed ayaa looga gol'leeyahay siday dhinacyadu isuga kaashan lahayen hawlaha kor loogu qaadayo wacyiga iyo xirfadda aqooned ee xirfadleyaasha ka hawlgala hay'adaha caddaaladda iyo garsoorka deegaanka ee ku aaddan shuruucda iyo nidaamka ganacsiga casriga ah.
Hasayeeshe, heshiiskan ayaa ahmiyad gaara u leh xoojinta hawlaha hortabinta u leh hormarmarinta dhaqaalaha & koboca suuqa maalgashiga deegaanka, iyadoo dhirigalinaysa maalgashadeyaasha deegaanka, dalka iyo kuwa caalamkaba.
Waxaa lasoo gabagabeeyay tababar laba wareeg ahaa oo ay soo qabanqaabisay Ethiopian Capital Market Administration Tribunal (ECMAT), kaaso loo qabtay xirfadleyaal lagasoo kala xulay hay'adaha caddaaladda iyo garsoorka labada Dawlad-Deegaan ee Soomaalida iyo Harerida iyo Ismaamulka Diri-Dhaba, kaaso salka ku haya heshiiski is-afgaradka ee ay kala saxeexdeen Maxkamadaha deegaanada iyo Ethiopian Capital Market Administration Tribunal.
Waxaa madasha kulamada maxkamadda guud ka qabsoomay kulan muhiima oo lagu gorfaynaayay qorshaha guud ee Hay'adda Garsoorka. Kulanka oo ay kasoo qayb galeen, Hogaaminta Maxkamadda Guud ee DDS, qaar ka mida guddoomiyeyaashi h**e ee Maxkamadda Guud, Shir-gudoonka Guddiga joogtada ah ee Arrimaha Maamulka iyo Sharciyada ee Golaha Xildhibaanada, Maareeyaha Mac'hadka Tababarada iyo Daraasadka, Gudoomiyaha Ururka Qareenada Gaarka ah iyo xubno-xeeldheerayal aqoonyahan oo ka socda Jaamacadda Jigjiga.
Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd qiimaynta iyo liishanka jihada qorshe istaraateejiyadeedka hay'adda grsoorka ee 10ka sanno ayaa intii uu kulanku socday lagu qaadadhigay tabaha iyo xeeladaha lagu dhisi karo garsoor hanta kalsoonida shacabka islamarkaana astaan u tahay Aqoon sare, Anshax suuban, cadcadaan, madaxbanaani, sinaan iyo dhexdhexaadnino.
==DHAMMAAD==
Waaxda xidhiidhka & Arrimaha Dadweynaha: Faah-faahinada dheeradka ah kala soco;
[Facebook]: https://www.facebook.com/profile.php?id=100068902548708
[Facebook]: Maxkamadda Guud ee DDS -Srs supreme Court.
[Telegram]:https://t.meSomaliRegionSupremeCourt
[Instagram]:https://www.instagram.com/somaliregionsupremecourt
[E-Mail]: [email protected]
https://www.youtube.com/