31/03/2025
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22/7/2017. Lala wadaagay shaqaalaha wakaalada iibka iyo maamulka dawlada iyo xubnaha xisbiga warbixinta isbarbardhiga Waxqabadka xukuumada DDS.
isbadalkii ka hor (1983 ilaa 2010 T.I) iyo isbadalkii kadib (2011 ilaa 2017 T.I).
waxaa xusid mudan in isbadalka ka hor aanu jirin nidaam iib oo ku salaysan cadcadaan, eexla'aan, cadaalad iyo tashiil misaanniyada dawlada ee iibka.
Taabadadalkeeda waxaa jiray nidaam iib ku salaysan eex iyo ninjeclaysi iyadoo nidaamka loo bixin jiray qandaraasyadu uu haa mid sitoos loo siinjiray cida larabo.
Isbadalkii ka dhacay deegaanka ayaa iyada oo laga duulayo baahida loo qabo in waxlaga qabto nidaamka iibka deegaanka waxaa sanadkii 2012 TI. La aasaasay iyo maamulka hantida dawlada si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jiray nidaamka bixinta qandaraasyada deegaanka iyo maamulka heshiisyada. Iyada oo wakaaladu shaqooyin badan ka qabatay tan iyo intii la aasaasay.
Waxyaabaha oogu waaweyna waxaa kamid ah:-
1. In kor loo qaado nidaamka tartanka furan(open tenders) lana gaadhsiiey 85%.
2. Hantidhawrka nidaamka iibka heer deegaan, degmo iyo m/magaalo.
3. Tababarada iibka iyo maamulka hantida ee heer deegaan,,degmo iyo maamul magaalo.
4. Dhagaysiga iyo go'aan ka gaadhista cabashooyinka iibka dawlada.
5. Diyaarinta iyo dib uhabaynta shuruucda iibka iyo hantida.
6. Hirgalinta websitka wakaalada si nidaamka iibka degaanku unoqdo mid ah oo cadcadaann iyo isla xisaabtan loogu maamulo.
-Ahmed molin✍️