Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha SRS Youth and Sport Bureau

Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha SRS Youth and Sport Bureau Waa Ciwaanka Rasmiga ah Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS u Leeyahay oo lagu soo gudbiyo Xogta

Tartanka Kubadda Cagta Liig ONE ee Dalka oo Todobaadkan dib u Bilaabmay.Kadib markii laga soo noqday fasixii kala badhka...
04/03/2023

Tartanka Kubadda Cagta Liig ONE ee Dalka oo Todobaadkan dib u Bilaabmay.

Kadib markii laga soo noqday fasixii kala badhka Liiga ayaa waxaa maalinta berri oo Axad ah Bisha Yekatid 26,2015 T.I Ciyaaridoona Kooxda KAARAAMARDHA iyo Kooxda AMHARA BOOLIS oo Group-ka B kuwada jira.

Kooxda Deegaanka Soomaalida ee KAARAAMARDHA ayaa maalintii Shalay ahayd gaadhay Magaalada Debramarkos oo tartanka qaybtiisa danbe lagu qabanayo.

KAARAAMARDHA waxay meelfiican kaga jiraan miiska kala Saraynta Dhibcaha ee Qaybta B iyagoo Kaalinta Sedexaad kaga jira kadib markii qaybtii h**e ee Liiga lasoo ciyaaray 12kulan oo ay ka Soo heleen 20 dhibcood.

Soodhawayta Ciyaartoyda Orodka.Mas'uuliyiinta Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS oo ugu h**eeyo Wasiirka Xafiiska M...
27/02/2023

Soodhawayta Ciyaartoyda Orodka.

Mas'uuliyiinta Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS oo ugu h**eeyo Wasiirka Xafiiska Mudane Maxamed Mahdi oo ay wehelinayeen hawlwadeenada xafiisku ayaa saaka so dhaweeyey ciyaartoda Ciyaaraha Fudud ee deeganka oo guulo kasoo hooyey tartanka ciyaaraha orodada da'yarta dalka oo lagu qabtay magalada Diridhaba.

Tartankan oo kii koobaad ee dalka laga qabto ayna kasoo qaybgaleen ddhaman deegamada dalku ayey orod yahanada Deegaanku kusoo guulaysteen biladaha kala ah.

Biladaha dahabka ah -2 biladood.
Biladaha Maarta ah 2 Bilada.
Biladaha Naxaasta ah 1 biladood.

Wadarta biladaha 5

Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo Ciyaartoyda Orodada Deegaanka oo Biladii afraad maanta hasoo hooyey tartanka ciyaaraha orodad...
24/02/2023

Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo Ciyaartoyda Orodada Deegaanka oo Biladii afraad maanta hasoo hooyey tartanka ciyaaraha orodada da'yarta dalka ee la socda Magaalada Diridhaba.

Dahab - 2biladood.
Maar- 1 Bilada.
Naxaas-1

24/02/2023

Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo Ciyaartoyda Orodada Deegaanka oo Biladii afraad maanta hasoo hooyey tartanka ciyaaraha orodada da'yarta dalka ee la socda Magaalada Diridhaba.

Dahab - 2biladood.
Maar- 1 Bilada.
Naxaas-1

HANBALYO HANBALYO HANBALYO.WASAME CABDI iyo SADAM CABDI oo Deegaanka uga qaybgalaayey tartanka ciyaaraha orodada da'yart...
23/02/2023

HANBALYO HANBALYO HANBALYO.

WASAME CABDI iyo SADAM CABDI oo Deegaanka uga qaybgalaayey tartanka ciyaaraha orodada da'yarta dalka oo maanta guulo ka Soo hooyey tartankaasi.

Warsame Cabdi Ayaa Bilada dahabka ah Ee orodoka 400 mitir kuguulaystay.

Sadaam Cabdi Waxaa uu ku guulaystay orodka 100m Bilada Naxaasta ah.

Magacaabis Xubnaha Hogaanka sare ee Federeeshinka kubada Cagta Deegaanka Soomaalida.Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ...
21/02/2023

Magacaabis Xubnaha Hogaanka sare ee Federeeshinka kubada Cagta Deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DDS ayaa maanta Soo saaray warqada Magacaabista Xubnaha ku meelgaadhka ah Ee Federeeshinka kubada Cagta deeganka,

Xubnahan oo si ku meelgaadh ah u sii Wadi doona shaqooyinkii Federeeshinka inta laga gaadhayo wwakhtiga doorashada, ka dib markii dabayaaqadii sannadkii h**e ee 2014T.I la kala diray xubnihii gudiga Fulinta ee Federeeshinka.

Tartanka Kubadda Cagta Dhalinyarada cuslaatay ayaa maraya gabagabadii waxaana maanta la ciyaaray Ciyaartii kaalinta sede...
18/02/2023

Tartanka Kubadda Cagta Dhalinyarada cuslaatay ayaa maraya gabagabadii waxaana maanta la ciyaaray Ciyaartii kaalinta sedexaad oo ay wada ciyaareen kooxaha kala ah JAAMACADA JIGJIGA iyo WIIL-WAAL.

Iyadoo Ciyaartii kudhamaatay gool ku laag ay Guushu ku raacdey Kooxda WIIL-WAAL oo sidaasi ugu guulaystay Bilada Maarta ah.

DAGMADA CEEL-OGAADEEN.Dagmada Ceelogaadeen ee Gobolka QORAXAY Waxaa maanta lagu Soo gaba-gabeeyey tartanka kubadda Cagta...
16/02/2023

DAGMADA CEEL-OGAADEEN.

Dagmada Ceelogaadeen ee Gobolka QORAXAY Waxaa maanta lagu Soo gaba-gabeeyey tartanka kubadda Cagta kooxaha dagmda oo maal mahanba ka socday dagmadaasi.

Dagmada Harawo waxaa maanta ka furmay tartanka kubadda Cagta ah oo u Xafiiska Dhalinyarada iyo ciyaaraha Dagmada Harawo ...
16/02/2023

Dagmada Harawo waxaa maanta ka furmay tartanka kubadda Cagta ah oo u Xafiiska Dhalinyarada iyo ciyaaraha Dagmada Harawo u qabtay kooxaha heerka koobaad ee Dagmada.

Dagmada Xarshin Ee gobolka FAAFAN Waxaa maantay lagu Soo gaba-gabeeyey tartan ciyaareed kubada Cagta ah oo loo qabtay ko...
16/02/2023

Dagmada Xarshin Ee gobolka FAAFAN Waxaa maantay lagu Soo gaba-gabeeyey tartan ciyaareed kubada Cagta ah oo loo qabtay kooxaha dagmda.

Tartankan oo uu Soo diyaariyey Xafiiska Dhalinyarada iyo ciyaaraha Dagmada ayaa Waxaa Abaalmarino la gu gudoonsiiyey guilaystaashii tartankan

Dagmada Marsin ee Gobolka QORAXAY Waxaa maalinti shalay ahayd lagu Soo gaba-gabeeyey Tartan Ciyaareed kubadda Cagta ah o...
11/02/2023

Dagmada Marsin ee Gobolka QORAXAY Waxaa maalinti shalay ahayd lagu Soo gaba-gabeeyey Tartan Ciyaareed kubadda Cagta ah oo looqabtay Kooxaha dagmadaasi ka jira.

Tartankan oo uu Soo qabanqaabiyey Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dagmadu ayaa Waxaa Abaalmarino la gudoonsiiyey guulaystayaashii tartankan

-xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dagmada Marsin

Ururka Dhalinyarada Dagmada awaare ee magiciisa loo Soo gaabiyo AYVO ayaa Ardey  da'yar ah gudoonsiiyey agabka waxbarsho...
30/01/2023

Ururka Dhalinyarada Dagmada awaare ee magiciisa loo Soo gaabiyo AYVO ayaa Ardey da'yar ah gudoonsiiyey agabka waxbarsho.

Address

Jigjiga, Somali Regional State
Jijiga
234

Telephone

+251257754293

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha SRS Youth and Sport Bureau posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share