01/03/2026
Waxaa si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay Tababarkii Usocday hogaaminta Sare ee Maamulka magaalada Jigjiga kaas oo ka socday kulliyada Maraynta iyo Adeega Shacabka DDS. waxaa la siiyay homaaminta casharro laxidhiidha shaqadooda Hogaamineed,sida
adeeg bixinta
Maamulka suuban
Horumarinta Magaalada
ka midho dhalinta qorshaha istartiijiga ee 10 kasano
tababarkan noo caan ah ayaa wuxuu ka mid ahaa heshiiskii 07 oct 2025. ay kala saxiixdeen Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka iyo Maamulka Magaalada Jigjiga.
Tababarka ayaa waxaa soo afmeeray Mayor ka Maamulka Magaalada Jigjiga, Eng. Shaafi Axmed Macalin iyo Mareeye kuxigeenka kulliyada Maraynta iyo adeega shacabka DDS Mudane: Xirsi Cabdi Axmed, isla markaana uga mahad celiyeyeen tababr qaatayaasha sida ka go'naanshaha leh ay u qaateen casharada. sidoo kale waxay kula dardaarmeen in ay tababarkan waxyabaha ay ka barteen u dhaadhiyaan goobahooda shaqo isla markaana laga dhex arko adeeg bixintooda sidoo kale labada masuul waxay hoosta ka xariiqeen in ay sii wadi doonan tabarada lagu xoojinayo garaadka aqooneed ee hogaaminta qaybahooda kala duwan ee Maamulka Magaalada jigjiga.
Gaba-gabadii ayaa waxaa Xubnaha tabar qaatayaasha la gudoon siiyay shahaadada ka qayb galka tababarka.