01/04/2026
𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐄𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐪𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨-𝐗𝐢𝐝𝐡𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐡𝐝𝐢 𝐨𝐨 𝐋𝐨𝐨 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐈𝐧𝐮𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐨 𝟖𝟒𝟎 𝐇𝐞𝐤𝐭𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐮𝐥 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐞𝐞𝐝 𝐚𝐡
******************"""
𝐉𝐢𝐠-𝐣𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐞𝐠𝐚𝐛𝐢𝐭 /𝟐𝟑/𝟐𝟎𝟏𝟖/ 𝐓.𝐈.
Waxaa lagu qabtay Madasha Kullamada Xafiiska Horumaaarinta Waraabka kulan farsamo oo muhiim ah oo lagu sameynayay dib-u-eegista daraasadda iyo naqshadda (Design Review) ee mashruuca Damka (Biyo-xidheenka) Gohdi, kaas oo ka mid ah mashaariicda istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo nidaamka waraabka iyo kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha.
Kulankan Waxaa Shir-guddoominayay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka DDS, Mudane Maxamed Faatax Maxamed, waxaana ku wehelinayay masuuliyiinta Shirkadda Dhismaha hawlaha biyaha DDS , khubaro farsamo, injineerro iyo hawl-wadeennada xafiisyada bahwadaagta ah.
Kulanka dib-u-eegista ah ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta iyo hubinta tayada daraasadda farsamo iyo naqshadda mashruuca, si loo xaqiijiyo in biyo-xidheenka loo dhisayo in uu waafaqsan yahay heerarka farsamo ee casriga ah, isla markaana uu si hufan uga jawaabo baahida waraabka ee bulshada deegaanka.
Mashruuca biyo-xidheenka Gohdi ayaa la qorsheeyay inuu waraabiyo 840 hektar oo dhul beereed ah, taas oo la filayo inay si weyn u kordhiso wax-soo-saarka dalagyada kala duwan ee muhiim u ah sugnaanta cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha beeralayda.
Intii uu socday kulanka, khubarada farsamada iyo injineerada mashruuca ayaa si qoto dheer u falanqeeyay qaybaha kala duwan ee daraasadda iyo naqshadda mashruuca, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Awoodda iyo qaabka dhismaha damka
Habka kaydinta iyo maareynta biyaha
Nidaamka kanaallada waraabka
Badbaadada iyo adkeysiga dhismaha damka
Saamaynta deegaanka iyo bulshada
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay talooyin farsamo iyo sixitaanno muhiim ah oo lagu sii xoojinayo tayada naqshadda mashruuca, si loo hubiyo in damku noqdo mid waara oo muddo dheer u adeega bulshada iyo beeralayda.
Hirgelinta mashruucan ayaa la filayaa inay xoojiso ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha, kordhiso wax-soo-saarka beeraha, abuurto fursado shaqo, isla markaana ka qayb qaadato kobaca dhaqaalaha deegaanka.
'