19/07/2026
"Talo waa wadaag."
Maalinta berri ah, 08-11-2018 ama 15-07_2026 haddii Eebbe idmo, waxaa dalkeenna Itoobiya ka furmaya Wadatashiga Qaranka oo ah kulan weyn oo taariikhi ah.
Kulankan waxaa isugu iman doona wakiillo ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada Itoobiya. Ergada kulanka ka qayb galaysa waxay si furan uga wada tashanaya arrimaha masiiriga ah ee Dalka.
Dalkeenna wuxuu soo maray marxalado iyo caqabado kala duwan. Maanta waxaynu haysannaa fursad qaali ah oo aynu ku muujinayno ilbaxnimo, bisayl siyaasadeed iyo dhaqan kudhisan is-qadarin iyo isu tanaasul. Hababkii h**e ee ku dhisnaa xoogtan iyo xabbadda lagu kala adkaado, waxayny ku beddelaynay madal wada hadal oo furan, isafgarad, wadatashi iyo baadigoobka xal waara.
Waxaan ku rajowaynahay in Wadatashiga Qaran in uu saldhig u noqdo nabad waarta, xasillooni, degganaansho siyaasadeed, kalsooni qaran, wadajir iyo barwaaqo ay ka wada faa'iidaystaan dhammaan shacabka Itoobiya.
Ka qaybgalka, taageerida iyo kamidho dhalinta Wadatashiga Qaran waa masuuliyada qaran oo ina wada saaran.