Xisbiga Nabad&Nolol 2020/2021

Xisbiga Nabad&Nolol 2020/2021 Nabad & Nolol

10/27/2025

Waxa bilaaban doono Bi'idnillah Ol'olaha doorashooyinka 2026, bartaan ayaad kala socon doontan Arimaha khuseeya Xisbiga iyo Ol'olaha Md.Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.
Iskusoo noqod wanaagsan

Mahadsanidiin .

BAYAAN KU SAABSAN XARIGGA MUWAADINIIN KA DHIIDHIYEY KU TAGRI-FALKA DHULKA DANTA GUUDWaxaan cambaaraynaynaa xarigga iyo t...
10/27/2025

BAYAAN KU SAABSAN XARIGGA MUWAADINIIN KA DHIIDHIYEY KU TAGRI-FALKA DHULKA DANTA GUUD

Waxaan cambaaraynaynaa xarigga iyo tacaddiga loo geystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u istaagay matalaadda iyo difaaca xuquuqda dadka lagu barakiciyey suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka midyihiin;

•⁠ ⁠Cabdi Shidane Hiraabe
•⁠ ⁠Cabdullaahi Cabdi Maxamuud
•⁠ ⁠Xabiiba Cabdi Cali
•⁠ ⁠Samsam Cumar Cali
•⁠ ⁠Raaxo Xasan Jimcaale

Muwaadiniintan waxa ay si nabad ah ugu halgamayeen xuquuqda dadka nugul ee halkaas ku dhaqnaa, si looga hortago barakicin iyo khasaaro dhaqaale oo ballaaran. Codkooda meeshii la dhageysan lahaa, waxa loo adeegsaday awood ciidan iyo xarig sharci darro ah, taas oo ka turjumaysa in laamaha amniga loo adeegsanayo dano gaar ah oo aan waafaqsanayn danta guud.

Madaxda dowladda iyo laamaha amniga ee ay khusayso waxaan ugu baaqaynaa in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan dadkaas, lagana waantoobo tallaabooyinka xadgudubka ku ah xuquuqda muwaadiniinta ee uu dammaanad qaaday Dastuurka Kumeelgaarka ah, gaar ahaan xorriyadda hadalka, isu-soo-baxa iyo muujinta cabashada.

DHAMMAAD

BARTA RASMIGA AH EE XISBIGA
06/03/2020

BARTA RASMIGA AH EE XISBIGA

Address

1535 Alta Vista Drive Unit 808, Ottawa, ON K1G 3N9
Downtown Ottawa, ON
POSTALCODE:K1G3N9

Telephone

+16127359067

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Nabad&Nolol 2020/2021 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share