Xafiiska maamulka Dagmada Jarati Ee Gobolka Afdheer

Xafiiska maamulka Dagmada Jarati Ee Gobolka Afdheer Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska maamulka Dagmada Jarati Ee Gobolka Afdheer, Government Official, Dayn ka Guur Oo Barwaqo Uguur, Charati.
(1)

‎Xubno ka socda Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laanta Deegaanka Soomaalida ayaa kulan iyo kormeer dabagal ah kusoo maray degm...
10/08/2026

‎Xubno ka socda Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laanta Deegaanka Soomaalida ayaa kulan iyo kormeer dabagal ah kusoo maray degmada Jarati ee gobolka Afdheer.

‎Xubnahan oo uu hogaaminayo Mudane Ibraahim Ismaaciil, madaxa waaxda dhismaha iyo dhaqanka ee Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laanta Deegaanka Soomaalida ayaa ugu horayn kulan la qaatay hogaaminta xisbiga barwaaqo ee gobolka Afdheer iyo maamulka degmada Jarati, kulanka kadib xubnaha ayaa kormeer ujeedkiisu yahay sidii loogu kuurgali lahaa waxqabadka xisbiga, nidaamka shaqogalka iyo udiyaargaroowga qorshaha xisbiga ee sanadka 2019-ka ayay sidoo kale kormeereen guri loo dhisayo qoys danyar ah kaas oo qayb ka ah qorshaha xisbiga ee tabarucaadka labada bilood ee xagaaga iyo goobaha ay bulshadu ka qaadanayaan kaarka aqoonsiga qaran ee (National ID).

Wadajir ayuu horumarku ku hirgalaa.Iyadoo la adeegsanayo ka qaybgalka shacabka, waxaa laga hirgeliyey waddo muhiim ah oo...
07/08/2026

Wadajir ayuu horumarku ku hirgalaa.

Iyadoo la adeegsanayo ka qaybgalka shacabka, waxaa laga hirgeliyey waddo muhiim ah oo loogu adeegi doono beeraha ku yaalla Santarka Qarari, gaar ahaan aagga beeraha Qoolow.

Waddadan waxay fududayn doontaa isu-socodka beeraleyda, gaadiidka iyo gaarsiinta wax-soo-saarka beeraha, iyadoo door weyn ka qaadanaysa kobcinta wax-soo-saarka iyo horumarinta nolosha bulshada.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan shacabka ka qayb qaatay hirgelinta mashruucan.

Dayactirka Ceelka Sonqotor.Waxaa  dayactir lagu sameeyay qaybo kamida Ceelka Sonqotor, iyadoo la xalliyay cillado ka jir...
05/08/2026

Dayactirka Ceelka Sonqotor.

Waxaa dayactir lagu sameeyay qaybo kamida Ceelka Sonqotor, iyadoo la xalliyay cillado ka jiray pump-ka, haanta kaydka biyaha iyo qayb ka mid ah dararka ay xooluhu biyaha ka cabbaan.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Xafiiska Biyaha Dowladda Deegaanka Soomaalida oo door muhiim ah ka qaatay xal u helidda cilladda pump-ka ceelka.

Sidoo kale, Xafiiska Biyaha Degmada Jarati ayaa fuliyay qaybaha kale ee dayactirka, si bulshada iyo xooluhuba u helaan adeeg biyo oo joogto ah.

Maalinta 27-ka Hamle 2018 E.C. ee Dhir-beerista.Maanta oo ku beegan 27-ka Hamle 2018 E.C., waxaa si ballaaran degmada Ja...
03/08/2026

Maalinta 27-ka Hamle 2018 E.C. ee Dhir-beerista.

Maanta oo ku beegan 27-ka Hamle 2018 E.C., waxaa si ballaaran degmada Jarati uga qabsoomay ololaha dhir-beerista, iyadoo ay ka qaybgaleen hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo qaybaha bulshada.

Dhir-beeristu waa maalgashi muhiim u ah ilaalinta deegaanka iyo horumarinta mustaqbalka jiilasha soo koraya. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bulshada inay door muuqda ka qaataan ilaalinta, waraabinta iyo kobcinta geedaha la beeray, si aynu u helno deegaan cagaaran, nadiif ah, qurux badan, isla markaana waara.

Taageeridda Wax-soo-saarka BeerahaXafiiska Beeraha ee Degmada Jarati ayaa u qaybiyay abuurkii xulka ahaa ee loogu talaga...
30/07/2026

Taageeridda Wax-soo-saarka Beeraha

Xafiiska Beeraha ee Degmada Jarati ayaa u qaybiyay abuurkii xulka ahaa ee loogu talagalay beeralayda degmada, si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha loona xoojiyo sugnaanta cuntada.

Dayactirka Ceelka Santarka Baardumay oo La DhammaystirayMaanta waxaa si guul leh loo dayactiray ceelka Santarka Baarduma...
23/07/2026

Dayactirka Ceelka Santarka Baardumay oo La Dhammaystiray

Maanta waxaa si guul leh loo dayactiray ceelka Santarka Baardumay ee Degmada Jarati.

Dayactirkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada biyaha iyo xaqiijinta helitaanka biyo nadiif ah oo ay bulshada ka faa’iideysato.

Ka Qaybgalka Bulshada Waa Furaha Horumarka.Waxaa si iskaa wax u qabso ah u socda dayactirka iyo dib-u-habaynta haraha Il...
23/07/2026

Ka Qaybgalka Bulshada Waa Furaha Horumarka.

Waxaa si iskaa wax u qabso ah u socda dayactirka iyo dib-u-habaynta haraha Ilibir iyo Maanguduudo ee Santarka Calan, kuwaas oo ay ka faa’iidaystaan bulshada deegaanka.

Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan muwaadiniinta ka qayb qaatay dadaalkan qiimaha leh. Iskaashiga iyo isu-tashigu waa saldhigga horumarka.

Waxaan bulshada inteeda kale ku boorrinaynaa inay ka qayb qaataan hawlaha horumarinta deegaanka, si aynu u dhisno bulsho isku duuban oo horumar gaarta.

Daah-furka Ololaha Nadaafadda Bilaha XagaagaMaanta waxaa si rasmi ah uga qabsoomay Degmada Jarati daah-furka ololaha nad...
21/07/2026

Daah-furka Ololaha Nadaafadda Bilaha Xagaaga

Maanta waxaa si rasmi ah uga qabsoomay Degmada Jarati daah-furka ololaha nadaafadda bilaha xagaaga, iyadoo ay si wadajir ah uga qayb qaateen iskaashiyada Xisbiga Barwaaqo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Nadaafaddu waa saldhigga caafimaadka iyo horumarka bulshada. Aynu si wadajir ah u ilaalinno deegaanka, una xoojino dhaqanka nadaafadda si aan u dhisno bulsho caafimaad qabta oo bilicsan.

Dhagax-dhigga Guriga Qoys Danyar ahIs-caawinta iyo iskaashiga bulshada waa tiirka horumarka iyo isku duubnida. Marka ayn...
21/07/2026

Dhagax-dhigga Guriga Qoys Danyar ah

Is-caawinta iyo iskaashiga bulshada waa tiirka horumarka iyo isku duubnida. Marka aynu gacmaha is qabsanno, waxaynu awoodnaa in aynu nolosha qoysaska danyarta ah wax ka beddelno.

waxa la dhagax-dhigay hal guri oo loo dhisayo hal qoys oo danyar ah, taas oo astaan u ah naxariista, wadajirka iyo garab istaagga bulshada.

Kharashka kubaxaayo gurigan ayaa ah ka qaybgalka bulshada.

Aan sii xoojino dhaqanka is-caawinta iyo isu naxariisashada.

Waxaa si guul leh loo soo gabagabeeyay qiimayntii sanadlaha ahayd ee waxqabadka degmooyinka Gobolka Afdheer, taas oo lag...
30/06/2026

Waxaa si guul leh loo soo gabagabeeyay qiimayntii sanadlaha ahayd ee waxqabadka degmooyinka Gobolka Afdheer, taas oo lagu qabtay Degmada Jarati.

Munaasabaddan waxaa lagu guddoonsiiyay abaalmarinno degmooyinkii muujiyay waxqabadka oogu sarreeyo.

Degmada Jarati ay ku guuleysatay kaalinta labaad (2-aad), taas oo ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah, hufnaanta maamulka, wada-shaqeynta wanaagsan iyo adeegga bulshada.

Address

Dayn Ka Guur Oo Barwaqo Uguur
Charati
AFDER

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska maamulka Dagmada Jarati Ee Gobolka Afdheer posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share